Maxay tahay ujeedada shirka Soomaaliya iyo dalalka safka hore?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdishu ku marti-gelinaysa shirka Soomaliya iyo dalalka safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay in ujeedada shirka Soomaaliya iyo dowladaha safka hore ay tahay afar qodob, kuwaas oo kala ah:

1- Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay.

2- In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wada jir ah u fulinayaan ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo ciidamada dalalka safka hore.

3- Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisada.

4- Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.

PUNTLAND POST