Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-shabaab iyo cunaqabetynta hubka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay caasimadda Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay Danjire Linda guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka argagixisada iyo xoreynta deegaannada, uuna ku bogaadiyey dalka Maraykanka gacanta ay ka geysanayaan dagaalkaas.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka in Madaxweyne Xasan uu xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhankeeda, Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa la xusay in ay ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanyaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada.

PUNTLAND POST