
Maxkamad ciidamada Qalabka sida ayaa maanta shan sano oo xabsi ah iyo il ku haynta Booliska ku xukuntay Odayaal Cadaado laga soo xiray December 27-dii Sanadkii tegay Kadib Heshiis ay Al-shabaab kula galeen Xarardheere sannadkii hore.
18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.
Odayaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Argagixisada oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere,Odayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.