Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 136 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa hawlgal qorshayssn ku dilay 136 tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saddex hoggaamiye sida uu shaaciyay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Caddaala.

Al-Caddaala ayaa sheegay in hawlgalka oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha hoose sidoo kale lagu dhaawacay 98 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanaya kuwa saaxiibada caalamka ayuu sheegay in qu howlgalkan ka sameeyeen degaanno u dhow degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Caddaala ayaa sheegay in sidoo kale maleeshiyada Al-shabaab laga burburuiyay keyd hub iyo gaadiid dagaal oo ay weerarro ku fulin rabeen.

PUNTLAND POST