Taliye cusub oo loo magacaabay Booliska Soomaaliya

Gen. Sulub Axmed Firin

Golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in golahu uu ansixiyay Gen. Sulub Axmed Firin oo loo magacaabay taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sulub Firin ayaa ka mid ahaa xukuumadda Xamse Cabdi Barre, wuxuuna ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee xukuumadda federaalka, isagoo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya.

Taliye Sulub ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Jubaland gaar ahaan beesha Habasguul.

PUNTLAND POST