
Diyaar-garowgii u danbeeyay ee soo dhawaynta Garaad Maxamed Garaad Abshir ayaa saaka ka socota magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Garaadka Maxamed oo saaka ka amba-baxay Garoowe ayaa ku sii jeeda Laascaanood halkaas oo uu kaga qayb-galayo Shirka Aaya-ka tashiga Beelaha SSC.
Garaadka ayaa sidoo kale xalay Garoowe kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo siyaasiyiin kala duwan.
Waxaa la sheegay in ay ka wada-hadleen xaaladda Gobollada SSC ee uu ka curtay Kacdoonka buluugan islamarkaana ka tashanaya aayahooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.