Booliiska Gobolka Nugaal oo burburiyay in ka badan 850 dhalo oo Khamri ah

Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal Oo Meel Fagaara Ku Bur Buriyay Khamri Gaaraya 850 Dhalo Iyo Xashiishad Dhan 26 Duub.

Waxaa madasha lagu bur burinayay goob joog ka ahaa Gudomiyaha Gobolka Nugaal Iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Puntland.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Ciidamadii khamrigan tirada badan iyo Xashiishadan umadda ka soo qabtay.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Walidiinta ugu baaqay inay Guryahooda,Gadiidkooda iyo Caruurtooda la socdaan si waxay quudanayaan iyo saqada ay la baxayaan xalaal ugu noqoto.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xuseen Cali ayaa shegay in Gurigii danbe ee lagu qabto Mandooriye inay dowladu la wareegayso sida Gadiidkii lagu qabtay Mandooriyahan Dowladu ula wareegtay.

PUNTLAND POST