Madaafiic lagu garaacay Villa Somalia

Ilaa shan qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday madaafiic hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ku dhawaad 10 madfac ayaa ku dhacay xarunta madaxtooyada iyo xaafadaha ku dhowdhow, waxaana dadka weerarkaas ku dhawaacmay ku jira sida la xaqiijiyay canug yar oo shan sano jir ah.

Madaafiicda qaar ayaa ku dhacay guryaha ay dagan yihiin madaxda ugu sarreysa dalka gaar ahaan guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabi Barre.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay 9 mafdac ku weerareen madaxtooyada Soomaaliya.

PUNTLAND POST