Kumanaan Shacab ah oo Laascaanood ku soo dhaweeyay Garaad Cabdillaahi Garaad Saleebaan

Garaadka guud ee Beesha Ugaadhyahan Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood.

Garaadka Cabdullaahi oo ay galbinayaan gaadiid dagaal iyo ciidamo hubaysan ayaa waxaa Laascaanood ku soo dhaweeyay kumanaan shacab ah oo ruxaya calanka Soomaaliya iyo kan Khaatumo.

Garaadka ayaa lagu wadaa in uu ka qayb-galo Shirka Isimada Dhaqanka Beelaha Dhulbahante uga furmaya Laascaanood ee looga tashanayo Masiirka Gobollada SSC.

PUNTLAND POST