Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay oo ku wajahan Qaarada Afrika

Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa toddobaadkan u safraysa dalalka Ghana, Mozambique iyo Kenya.

Socdaalkeeda ay ku tegayso qaaradda Afrika ayaa qaadanaya inta u dhexeeya bisha January 25-keeda illaa 29-keeda sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka.

Safarka Greenfield ayaa ku salaysan arrimaha amniga ee gobolka, arrimaha bini’aadanimada iyo taageerada Maraykanka ee dalalka Afrika ee lagu yaraynayo isbedelada cimilada.

Safarka Thomas-Greenfield ayaa ku soo beegmaya xilli ay Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Janet Yellen ay socdaal ku joogto qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Senegal, Zambia iyo South Africa.

PUNTLAND POST