Xarunta gobolka Banaadir oo la wareeray

Kooxda Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taala degmada Xamarweyne.

Xarunta gobolka Banaadir oo ah meelaha aadka loo ilaaliyo ayaa qaraxii ugu horreeyey ee lagu weeraray ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta, kaddib waxaa xigay rasaas iyo qaraxyo kale, iyadoo koox hubaysan ay galeen gudaha, kuwaas oo weli ka dagaalamaya.

Al-shabaab ayaa qoraal ayaa soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka xarunta gobolka Banaadir, halka dowladda aysan weli hadlin weerarka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Mudisho Yuusuf Xuseen Jimaacle (Madaale) ayaa safar dibada ah ku maqan, balse waxaa xiliga weeararku dhacay xafiisyadooda joogay mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir.

24-kii July, 2019 waxaa xarunta gobolka Benaadir ka dhacay weerar ay fulisay haweeney is qarxisay, waxaana ku dhaawacmay guddoomiyihii gobolka iyo duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow oo maalmo yar kaddib u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

PUNTLAND POST