Wasiir Saleebaan Cali Koore oo abaabul odayaal ka wada magaalada Taleex

Wararka ka imaanaya magaalada taariikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland saaka halkaas ka waddo abaabul ka dhan ah kacdoonka SSC.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa guri ku yaalla Taleex ku ururiyay odayaal laga keenay degaanno kala duwan si ay uga horyimaadan kacdoonka shacbiga.

Xogaha ayaa sheegaya in wasiir Koore uu odayaasha u sheegay in ay kacdoonka SSC ku tilmaaman mid beela gaar ah wataan islamarkaana ay taageeraan Somaliland.

Abaabulkan odayaasha ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan magaalada Taleex laga sameeyay muddaharaad lagu taageerayo kacdoonka Shacbiga iyadoo goobaha taariikhiga ah ee Taleex laga taagay calanka SSC.

PUNTLAND POST