Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo taageeray Shirka SSC ee Laascaanood

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulan ayaa looga hadlay xaalada guud ee deegaanada SSC,gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo ah xarunta kacdoonka dadka deegaanku ku doonayaan inay isaga dul qaadaan Maamulka Soomaaliland oo dil iyo barakac joogta ah ku haya.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku -xigeenka ayaa ka digey inaan wax fara gelin ah lagu samayn nooc ay u tahay toona lana Siyaasadayn kacdoonka bulsho ee ka socda deegaanada SSC kaas oo sababay in dadka deegaanku isugu yimaadaan Shirweynaha Aaya ka tashiga ee dhowaan ka furmaya degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo Madaxweynuhu si buuxda u tageeray.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame,Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Tamarta.

PUNTLAND POST