Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland ayaa sida wararku xaqiijinayaan safar diyaaradeed ku tegaya Boosaaso.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu 24-ka bishan Boosaaso ka daah-furo ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso.
Mashaariic kala duwan oo ay ku jiraan qayba lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa la filayaa in uu sidoo kale daah-furo.
PUNTLAND POST