Koonfur Galbeed oo diiday qorshayaal uu madaxweyne Xasan Sheekh ula tegay

Madaxweynaha dowladda federalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida hadda muuqata gacmo maran kala soo noqonaya magaallada Baydhabo oo uu u tegay qorshe isaga u gaar ahaa oo uusan horay u sii sheegin. Xasan Shiikh oo in muddo ah codsanayay inuu isaga furo shir uu ku baaqay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Shiikh Aadan Madoobe si looga wada hadlo khilaafkii ka dhashay go’aankii ay baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed (KG) ay u codeeyeen iyagoo is waafajinaya waqtiga doorashada xildhibaannada iyo madaxweynaha, taasoo ay ka dhalatay inuu madaxweynaha hadda xilka haya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu sannad dheeraad ah xilka sii hayo, hasa yeeshee waxaa go’aankaas baarlamaanka KG si aad u adag uga hor yimid siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo murashaxiinta xilka madaxweynenimmada. Waxaa khilaafkii arrintaas ka dhashay dagaal ka dhacay xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed 23kii bishii December ee sanadkii dhammaaday. Sida la sheegay dagaalkas ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof iyo dhaawac intaas ka badan.

Shirka uu Aadan Madoobe ku baaqay oo loo ballansanaa inuu qabsoomo Jannaayo 05, 2023, dhowr jeer dib u dhacay markii la diiday in lagu marti qaado madaxeynaha dowladda federalka Xasan Shiikh Maxamuud oo isagu ku adkeystay in lagu casuumo shirka si uu isagu u furo. Ugu dambeyntii ayaa lagu marti qaaday shirkii, wuxuuna furmay Jannaayo 18, 2023. Waxyaabaha lama filaanka shirka ku noqday ee aan la ogeyn ayaa waxay ahaayeen in madaxweynaha ay la socdeen koox ka tirsan xisbigii Union For Peace And Development (Midowga Nabadda iyo Horumarka) kuwaasoo ay ku jireen; wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macallin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, iyo Xildhibaan Cabdullaahi Sanbalooshe iyo xubno kale, raggaasoo dhammaantood ah siyaasiyiin uu Xasan Shiikh Maxamuud gacantiisa ku samaystay xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa, wuxuuna Xasan Shiikh Maxmuud qasab ka dhigay inay raggaas shirka qeyb ka noqdaan, waxay arrintaas keentay buuq isla markiiba soo dedejiyay in laga shakiyo ujeeddada uu Xasan shirka u yimid.

Maalinkii u horeysay Xasan wuxuu shirka u ka sheegay inuu laabanayo shirka hoggaamintiisana uu uga tegayo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi, waxaana arrintaas si buuxda oo wada jir ah uga hor yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen iyo Shiikh Aadan Madoobe, oo sida warku sheegayo meel adag iska taagay ilaa markii dambe Xasan lagu qasbay inuu shirka ka saaro raggaas. Waxaa iyadana xusid mudan in agenda-hii shirka uu ku soo kordhay mid aan lagu talo gelin horayna laysugu soo qaadi ka dib markii uu Xasan Shiikh ujeediyay madaxweyne Laftagareen iyo Aadan Madoobe in xubno beeshisa ka tirsan jagooyin laga siiyo dowladda Koonfur Galbeed isla markaasna xilal muuqda ay ku yeeshaan maaulka, ilaa iyo maantadan la joogo wali arrintii shirka loo qabtay ee ahayd in lagu xaliyo cabashada mucaardka KG ay ka keeneen go’aankii xildhibaannada ee laysku waafajiyay muddo xileedka madaxweynaha iyo xildhibaannada meeshiisii lagama soo qaadin.

Waxaa, sidoo kale, uu codsaday madaxweyne Xasan isagoo ku adkeysanaya talooyinkiisa aan hareer marsan xeerarka dalka u yaala, inuu keeno ciidamo la dagaala Al-Shabaabka jooga deegaannada Koonfur Galbeed, waa laga diiday, waxaana talaabooyinka Xasan ay walaac weyn geliyeen qaar ka mid ah murashaxiinta madaxweynenimmada KG, oo iyagu markii hore rumeysnaa madaxweyne Xasan uu shirka u yimid inuu iyaga gacan siiyo oo taageerayo mowqifkooda. Sida hadda arrimuhu u socdaan ayaa u eg dhaqankii iyo dagaalkii uu madaxweyne Xasan SHiikh kula kacay dowlad goboleed Jubbalnd xilligiisii kowaad ee uu madaxweynaha ahaa, sida muuqatana waxay ku soo dhammaaneysaa natiijo la’aan iyo colaad jiitanta oo uu la galo Koonfur Galbeed. waxaana  wararku xaqiijinayaan in madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu dul qaad badan muujiyay isagoo aad u qadarinaya xeerarka dowladnimmada, kana hor tagaya inuu khilaaf muuqda uu dhex maro isaga iyo madaxweyne Xasan oo isagu ku caan baxay  inuusan marna u hoggaansamin xeerarka dalka u yaalay iyo cahdiga ay ummaddu dhigatay ee isaga lagu doortay.

PUNTLANDPOST