Baaq laga soo saaray xaaladda siyaasadeed ee Puntland

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa soo saartay baaq ka kooban shan (5) qodob oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Puntland.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu baaqday Guddiga KMG ah ee Doorashpoyinka (TPEC) in aysan halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed u horseedin Puntland, isla markaasna aysan baalmarin dastuurka iyo shuruucda u dagan dalka.

Sidoo kale Madasha waxay ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso afduubka shaqadii loo idmaday TPEC, oo ay sheegeen in ay hoggaaminayaan wasiiradda, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa ugu baaqday ciidamada qaybahooda kala duwan in aysan ku milmin siyaasadda una adeegin damac shaqsi.

Madasha ayaa ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso marin habaabinta shacabka iyo ku tagrifalka dhaqaalaha ummadda oo ay u adeegsato dano gaar ah iyo kala qaybinta dadka reer Puntland.

Madasha Siyaasadda Puntland waxay ugu baaqday isimadda, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada in laga hortago hubanti la’aanta siysaadeed ee xukuumadda Madaxweyne Deni ku howlan tahay, si dano shaqsi loogu gaaro.

PUNTLAND POST