Galgaduud: Al-shaab oo weerar ku qaaday saldhigyo ciidan iyo Taliye ku dhintay

Khasaaro xoogan oo isugu jira dhimahso iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar gawaari laga soo buuxiyay wayaabaha qarxa loo adeegsaday iyo dagaal toos ah oo Al-shabaab saaka ku qaadeen saldhigyo ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanku ku lahaayeen deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

Weerarkaas dadka ku dhintay waxaa ka mid ah Taliye ku-xigeenka ciidanka kumaandooska Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo ka mid ahaa saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ciidamada kula jireen Al-shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay 100 ka tirsan Al-shabaab ku dishay weerarka, sidoo kalana ku gubtay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo Al-shabaab ay xilli hore ku qabsatay dowladda.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in weerarkaas ku dileen askar badan oo uu ka mid yahay Taliye ku-xigeenka ciidanka kumaandooska Danab Xasan Tuure.

Deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa ka mid ahaa deegaanada ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab.

PUNTLAND POST