Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Taliye XasanTuur

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay geerida Taliye ku-xigeenka ciidanka kumaandooska Danab, Xasan Tuure oo ku dhintay weerar ay saaka Al-shabaab ku qaadeen magaalada Galcad ee gobolka Galguduud.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay shacabka, Ciidanka Xoogga Dalka, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Gaashaanle Xasan Maxamed Xasan (Xasan Tuure).

War-saxaafaeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in geerida Taliye Xasan Tuure aysan marnaba niyad jebin karin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku midoobay la dagaalanka Al-shabaab.

“Taliye Xasan Tuure waxaa uu ku shahiiday hawlgal uu uu waddankiisa ku xorreynayo, waana geesi taariikhda ay xusi doonto, laguna xusuusan doono kaalinta uu ka qaatey in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan geyiga Soomaaliya. Waxaa uu ahaa astaan u taagan in Soomaaliya laga xorreeyo Khawaarijta, kaalintiisana waxaa buuxin doona geesiyaasha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca waddankooda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST