Goormaa la daahfurayaa dhismaha dekedda Boosaaso?

Dekedda Boosaaso

Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha Puntland ayaa shaacisay xilliga la daahfurayo dhismaha iyo ballaarinta dekedda magaalada Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in 24 Janaayo 2023 oo ku beegan maalinta talaadada ee todobaadka dambe loo madlan yahay munaasabadda daahfurka dhismaha dekedda Boosaaso.

Madaxweyanaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso ayaa daahfuri doona dhismaha dekedda.

Dhismaha dekedda Boosaaso waxaa fulin doonta shirkad lagu magacaabo Mar Marine & Building Contracting oo qaadatay qandaraaska dhismaha.

Puntland iyo shirkadda DP World ayaa bishii April 2017 galay heshiis ku saabsan dhismaha iyo horumarinta dekedda Boosaaso, inkastoo heshiiskaasi uusan u fukin sidii lagu sheegay.

PUNTLAND POST