Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak oo booqasho seddex maalmood ah uga bilaamatay Soomaaliya.

“Dalka Yemen oo aan wadaagno xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada dadka, taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan u sii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Inta uu wasiir Dr. Axmed joogo dalka waxaan wada yeelan doonnaa wadahadallo la xiriira arrimaha labada dal. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dowladda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda qaarkood” ayuu raaciyay wasiir Huruuse.

PUNTLAND POST