Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo furmay

Hadal-jeedinta Xasan Sheekh

Madaxweynana dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo shalay galinkii dambe ka furmay magaaladda Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) siyaasiyiin, odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka reer Koonfur Galbeed.

“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur Galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan.

PUNTLAND POST