Koonfur Galbeed: Laftagareen iyo mucaaradka oo la isu keenay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wehelinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Baydhabo Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo mudda kordhinta halka sano ah ee Madaxweyne Laftagareen, waxaana la sheegay in kulankaas miro-dhal ku soo dhamaaday, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtootada Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo).

PUNTLAND POST