Afar arrimood oo sabab u ah isdiiwaangelin la’aanta Puntland

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa shaaca ka qaaday in tiro aad u yar ay iska diiwaangelisay gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu, diiwaangelinta oo socotay muddo labo todobaad ka badan waxaa isdiiwaangeliyay ilaa 100,000 (boqol kun) oo qof.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolladaas ayaa walaac xoogan ka muujiyay natiijada hordhaca ah ee isdiiwaangelinta, waxayna sheegeen in arrintan ay sawir xun ka muujinayso gobolladaas oo sida la aaminsan yahay ay ku nool yihiin dad hal malyan iyo bar ka badan, inkastoo aan tira koob rasmi ah la hayn.

Waxaa jira afar arrimood oo la aaminsan yahay in ay sabab u yihiin in dadweynaha gobolladaas isdiiwaangelin waayaan.

1. Diiwaangelinta oo ah mid lagu muransan yahay oo qaar ka mid ah ururada iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaadaceen.

2. Dadka qaar oo horay isaga diiwaangeliyay degmooyinka Qardho iyo Ufeyn.

3. Guddiga TPEC oo aan sidii la rabay u sameyn wacgelinta diiwaangelinta ee dadweynaha.

4. Barnaamijkan oo ku soo beegmay xilli waqtigu ka sii dhammaanayo dowladda, dad badana u arkaan in dano gaar ah laga leeyahay ama uusan hirgeli karin.

Caqabada isdiiwaangelinta la’aan oo taagan ayaa hadana Guddiga TPEC shaacisay in diiwaangelinta gobolladaas la soo xiri doono maalmaha soo socda (Bari: 20/01/2023 – Karkaar: 21/01/2023 – Gardafuu: 25/01/2023).

PUNTLAND POST