Taliye ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku dhintay weerarka Xawaadley

Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa weerarkii saaka Al-shabaab ku qaadday degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Weerarka oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo uu xigay dagaal toos ah ayaa laga soo werinayaa khasaare dhimasho iyo dhaawacleh.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in khasaare xooggan ka dhashay weerarka inkastoo aan weli tira koob sugan laga helin.

Taliyihii Guutada 3-aad Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Kornayl Abshir Maxmuud Maxamed (Shataqeey) ayaa sida la xaqiijiyay kamid ah dadka ku dhintay weerarkaas.

PUNTLAND POST