Milatariga Soomaaliya ayaa maanta Al-shabaab kala wareegay Degaanka Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Al-shabaab laga saaray Ceeldheer islamarkaana ay si buuxda u gashay gacanta Ciidamada Qalabka sida.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa warkaas u xaqiijiyay Saxaafadda.
Waxay ku soo beegantay maalin kadib markii Ciidamadu la wareegeen Xarardheere iyo Galcad oo ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.
PUNTLAND POST