Jugta qarax xooggan iyo dhawaqa hubka culus ayaa saaka laga maqlay degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellada dhexe.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan aroornimadii saaka weerar culus ku qaaday degaankaas Xawaadley oo dhanka bari ka xiga degmada Balcad.
Xogaha ayaa intaas ku daraya in weerarkaas oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada ku sugan Xawaadley.
Kooxda Al-shabaab oo war ka soo saaray weerarkaas ayaa sheegtay in ay qabsadeen degaanka Xawaadley islamarkaana askar iyo saraakiil badan ku laayeen.
Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Hirshabeelle midna weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab ee in ay qabsadeen Xawaadley.
PUNTLAND POST