
Jugta qarax culus ayaa aroortii hore ee saaka laga maqlay degaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa xaqiijinaya in gaari walxaha qarxa ku raran yihiin lagu weeraray saldhig ku yaalla degaankaas Halgan.
Ciidamada dowladda iyo xoogagga Macawisleey oo ku sugan saldhigaas ayaa la soo werinayaa in khasaare ka soo gaaray qaraxa.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur gaaray saldhigga qaraxa lagu dhiftay.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa sida lagu qoray warbaahinta taageerta kooxdaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.