Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Dowdda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Koontur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Baydhabo u tagay ka qeyb-galka shirka wadatashiga iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo gogashiisa uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur.

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa qoraal ku tiri “Madaxweynaha wuxuu bogaadiyay gogasha Baydhabo, si loo xaqiijiyo Koonfur Galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka”.

“Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay Koonfur Ggalbeed waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo dardar gelin lahaa xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada” ayaa qoraalka la raaciyay.

PUNTLAND POST