Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab kala wareegay degmada Xarardheere

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashana kuwa degaanka ayaa maanta la wareegay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Ciidamadu dagaal la’aan kula wareegeen degmada Xarardheere.

Ciidamada ayaa degmada Xarardheere ka bilaabay baaritaan lagu samaynayo xaadaha kala duwan ee degmada si loo xaqiijiyo amniga.

Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhiga ayaa xaqiijiyay in Ciidamada dowladdu ay maanta Al-shabaab kala wareegeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST