
Booliska la-dagaalanka Maafiyada ee talyaaniga ayaa maanta gacanta ku dhigay aabaha ugu weyn Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Denaro kaas oo mudda 30 sano ah la raadinayay.
Messina Denaro, oo 60 jir ah, ayaa hormuud u ahaa Cosa Nostra, urur dambiyeedka dhabta ah ee Sicily, ee lagu soo bandhigo aflaamta Godfather.
Messina Denaro ayaa laga soo qabtay gudaha xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Palermo, halkaas oo uu u aaday daweyn sida ku qoran bayaan uu soo saaray booliska.
Waxa uu isbitaalka ku jiray muddo sanad ah waxaana laga daweynayey kansarka ku dhaca mindhicirada isaga oo wata magac been abuur ah.
Messina Denaro iskama caabin booliska markii ay isku dayeen inay soo xiraan, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.