Muddaharaad ka dhan ah Somaliland oo saaka ka dhacay Taleex

Muddaharaad xooggan oo ka dhan ah Somaliland ayaa saaka ka dhacay magaalada Taleex ee Gobolka Sool.

Shacabka muddaharaadka sameeyay oo qaarkood hubaysan yihiin ayaa u sheegay Somaliland in ay isaga baxdo Gobolka Sool.

Dhammaan astaamihii iyo calankii Somaliland ayaa sidoo kale laga fujiyay goobihii ay ka surnaayeen degmada Taleex.

Goob-joogayaal ku sugan Taleex ayaa noo sheegay in sidoo kale xarumaha degmada lagu xardhay calanka Soomaaliya iyo kan SSC.

PUNTLAND POST