Axmed Madoobe oo gaaray Jabuuti iyo sababta loo marti-qaaday

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jubaland oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyada, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Jabuuti.

Waxaa Madaxweyne Axmed Madoobe uu dalka jabuuti ku tagay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo saddex maalmood ah, kaddib markii uu xasuumaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Sida aan warkeenii shalay ku sheegnay
ujeeddada marti-qaadkan ayaa ah in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ku biiro heshiisyadii ay horay u wada galeen Ismaaciil Cumar Geelle, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi, waxaana wararku intaas ku darayaan in khilaafka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay qayb ka tahay sababaha loo soo dhaweynayo Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST