Xukuumadda Puntland oo lagu eedeeyay in ay xadgudubyo u gaysatay barakacyaal deggan Garowe

Booliska degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal ayaa maanta qabtay gaadiid waday dad barakacyaal ah oo u badan haween iyo caruur, kuwaas oo laga qaaday Garowe loona waday gobolka Karkaar, si ay uga qayb noqdaan diiwaangelinta doorashada goleyaasha deegaanka.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdan ayaa sheegay in ay soo gaareen cabashooyin la xiriira xadgudubyo lagula kacay dadkaas oo ay ku lug-leeyihiin dad awood ku leh Xukuumadda Puntland.

Xafiiska Difaacaha wuxuu xusay in uu isha ku hayo ururada iyo shakhsiyaadka doonaya in ay ku danaystaan barakacyaasha, iyagoo ka faa’iidaysanaya duruufaha ay ku sugan yihiin dadkaas.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland ayaa uga digay Xukuumadda Madaxweyne Deni in ay u adeegsato hantiga dadweynaha danaheega gaarka ah.

PUNTLAND POST