Tababar ay si wada jir ah u sameynayaan ciidammada Mareykanka iyo 20 dowladood

Koox ciidamo isku jira oo Mareykan ah oo shaqo wadaag ah ayaa maalinimmadii shalay Jannaayo 13, 2023, booqasho indho-indheyn ah ku tegay dekedda magaallada Berbera (Joint Task Force-Horn of Africa). Booqashadan ayaa ku soo beegantay wax yar un ka hor tababar laylis ciidan ah oo la qorsheynayo inay ka qayb qaataan dalal badan oo ay hor kaceyso dowladda Mareykanka, oo loogu yeeray Justified Accord, bisha Febraayo 2023.

Justified Accord, ujeeddada laga leeyahay waxaa lagu sheegay in sare loo qaado iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo hawl gallada ka hor tagga argagixisada iyo in la diyaariyo ciidamo goboleed qayb ka noqda hawl-gallada Qarammada Midoobay, iyo hawl-gallada ay oggolaadaan Midowga Afrika. Marka laga tago Justified Accord ee dekedda Berbera, waxaa iyadana tababaro iyo laylisyada ay ka dhacayaan dalalka Botswana, Djibouti, Kenya, Rwanda, iyo Uganda, waxaana qayb ka noqonaya 20 dal oo ay ku jirto Soomaaliya. Ciidammada Mareykanka ah ayaa iyaga si joogta ah ula socon doona hadba goobaha dhibaatada ka jirto hawl-gallada iyo in si joogta ah loogu diyaariyo awood u dhiganta sida la soo jeediyay.

Dhanka kale, waxaa iyadana jira wallaac ka dhashay arrintan oo la xiriira inuu qorshuhu intaas ka weynyahay, oo waxaa jira guux faro badan iyo hadal hayn la xiriirta arrintan oo durba dad-weynaha Soomaaliyeed ay muujinayaan, taasoo ku salaeysan in ujeedda guracan oo khayaan ah ay ku hoos qarsoontahay hawla-galkaan Justified Accord, taasoo ay ku sheegan in dowladda Mareykanka ay ku soo galbineyso ciidammada badda ay dhowaan sameysatay dowladda Itoobiya si xeebaha Soomaaliyeed sal-dhig looga dhigo, waxaana jira warar shaki badan dhaliyay oo bishii la soo dhaafay uu saxaafadda siiyay ninka ugu magacaaban ciiddankaas Itoobiya ee la yiraahdo Kundu Ghele, midkaasoo sheegay in ciidammada badda ee ay sameysatay Itoobiya ay ilaalin doonaan xeebaha dalalka deriska ah.

Waxaa iyadana soo baxaya in madaxweynaha dalka Djibouti uu ku qanciyay Muuse Biixi iyo Xasan Shiikh Maxamuud inay oggolaadaan tallaabadaas iyo kuwo kale oo aan xog fiican laga wada heyn intii lagu guda jiray munaasabaddii arroos siyaasadeedka ahayd ee loo sameeyay gabadha madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana jira warar hadda soo baxay oo tilmaamaya in madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbalnd Axmed Maxamed Madoobe uu maalmaha soo socda u ambabixi doono dalka Djibouti oo marti qaad ka helay madaxweynaha dalkaas, sida ilo aan rasmi ahayn oo ku dhow-dhow marti qaadkaas laga helayo ujeeddada marti qaadkan ayaa ah in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ku biiro heshiisyadii ay horay u galeen seddexdaas nin, waxaana wararku intaas ku darayaan in khilaafka Xasan Shiikh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay qayb ka tahay sababaha loo soo dhoweynayo Axmed Madoobe.

PUNTLAND POST