Shirkad uu leeyahay Donald Trump oo lagu ganaaxay illaa $1.6 milyan oo Dollar

Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa Jimcihii xukun ku ridday shirkad uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump.

Shirkadda ayaa lagu helay denbi la xiriira ‘wax isdaba-marin dhinaca cashuuraha ah’ oo socotay muddo 15 sannadood ah sida laga soo xigtay maxkamadda.

Garsoore Juan Merchan oo ka tirsan maxkamadda denbiyada ee Manhattan ayaa ku xukumay shirkadda Trump lacag gaaraysa illaa $1.6 milyan oo dollar oo ganaaxa.

Qoraal ka soo baxay shirkadda ka dib markii xukunka la soo saaray ayay ku sheegeen inaanay wax khalad ah samayn isla markaana ay xukunkaas racfaan ka qaadanayaan.

PUNTLAND POST