Mudug: Ciidamada dowladda oo la wareegay Ceelhuur

Ciidamada xoogga dalka iyo xoogga deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelhuur oo 70-KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Ciidamada huwanta ayaa si nabad ah kula wareegay tuulada Ceelhuur, kaddib markii ay ka baxeen kooxda Al-shabaab oo muddo dheer gacanta ku hayay.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa ka baxay degmada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug, waxayna wararka sheegayaan in ay u baxeen dhulka miyiga.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xilli Koonfurta Gobolka Mudug uu ka socdo abaabul ciidan oo ku jihaysan Al-shabaab.

PUNTLAND POST