Puntland oo dishay madaxii hawlgallada Daacish

Abu-Albara Al Amani

Puntland ayaa sheegtay in ay dishay madaxii hawlgallada Daacish ee gobolka Bari oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

War qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Balidhidin ee gobolka Bari.

Abu Albara Al Amani ayaa Booliska Puntland sheegay in uu ka soo jeeday gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, uuna Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish.

Bishii July 2021 ayaa Abu Albara loo magacaabay madaxa hawlgallada Daacish, kaddib markii la dilay madaxii hore ee hawlgallada kooxdaas Abuu Waliid Al-muhaajir oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, sida lagu xusay qoraalka Booliska Puntland.

Dhanka kale weerarka ay Daacish ku qaaday saldhiga degmada Balidhidin waxaa ku dhintay hal askari ka tirsan Booliska Puntland.

PUNTLAND POST