Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo digniin soo saartay

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya qaybteeda maareynta daawada ayaa soo saartay digniin ku aadan laba daawo oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca neefmareenka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda maareynta daawada ee dalka Uzbakistan lagu ogaaday in labada shorobo ee AMBRONAL SYRUP iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay dalka India ay tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska jirka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in aysan xaqiijin karin in daawooyinkaas ay dalka yaalaan iyo in kale, balse waxay dhaqaatiirta Soomaaliyeed uga digtay in aysan u qorin bukaanadooda iyo in ganacsatadu joojiso ka ganacsiga daawooyinkaas.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxay shacabka ugu baaqday in ay ka taxadaraan dawooyinkaas oo sida ay sheegtay qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda.

PUNTLAND POST