
Taliyaha Booliska Puntland S/Guuto, Muumin Cabdi Shire ayaa taliyaal saldhig u magacaabay saddex degmo, oo ka tirsan Nugaal iyo Karkaar.
Wareegto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliska Puntland ayaa taliyaal cusub loogu magacaabay saddexda degmo ee Buurtinle, Banderbeyla iyo Dangoroyo.
Taliyaha cusub ee saldhiga degmada Buurtinle ayaa loo magacaabay G/le, Cabdulqaadir Axmed Cumar.
Taliyaha saldhiga degmada Dangoroyo ayaa sidoo kale loo magacaabay X/LE, Axmed Siciid Cabdi.
Dhinaca kale, taliyaha saldhiga degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar ayaa isna loo magacaabay dhamme Jaamac Maxamed Warsame.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.