Waxaan faalladan kaga hadlayaa Istaraatiyad warbaahineed oo Soomaaliland ka dhicisowday Arbacadii iyo xaqiiqada qaddiman ee ay heleen shacabka Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo muddo lix cisho ah jooga aagga Laascaanood iyo koox wasiirro ah oo la socda ayaa Arbacadii qaaday tallaabo warbaahineed oo ay ku muujinayeen in ugu yaraan ay wax uun uga dhaqaaqeen hawlihii ay u tageen Laascaanoodda ay shacabku kacdoonka kula wareegeen toddobaadkii hore.
Hase yeeshee, waxay hawshaasi saacado gudahoodba u soo afjarantay sidii caano qubtay oo aan dabadoodda la qaban.
Wasiirka, wefdigiisa iyo odayaal ka socday Beesha Jaamac Siyaad ayaa ku kulmay meel ka baxsan Laascaanood oo ah xero ciidan. Waxay ka wada hadlayeen soo wareejinta laba askari oo ka tirsan ciidanka oo Soomaaliland sheegtay in loo qabtay nin lagu dilay Laascaanood, toddobaaad ka hor, habeenkii ay shacabku kacdoonka kula wareegayeen magaaladda.
Nasiib darro, wasiirka iyo wefdigiisa oo malaha fursadba hore ugu heli waayay cid reer Sool ah oo ay la hadlaan ayaa go’aansaday in ay arrintaas u dhigaan si ka gedisan ujeedadeedii, waxayna u sheegeen shacabka Soomaaliland in ay la kulmeen waxgaradka iyo odayaasha gobolka Sool oo ay kala hadleen xiisaddii taagnayd ee gobolka, iyagoo shacabka Somaliland warkaas u mariyay Warbaahinta.
Odayaasha Jaamac Siyaad ee kulanka ka qaybgalay ayaa markii ay ogaadeen tallaabadaas warbaahinta kula hadlay Laascaanood, waxay si adag u beeniyeen in ay wax ka baxsan arrinta soo wareejinta labada nin ay kala hadleen Kaahin iyo xubnaha maamulkiisa ka tirsanaa ee la socday.
Labada dhinacna iskumaba afgaran arrinta dilka dhacay iyo soo wareejinta ragga ku eedaysan. Odoyaasha qaarkood oo warbaahinta la hadlay, waxay ka dhaarteen in kulanku lahaa ajandayaasha kale ee warbaahinta d lagu baahiyay.
Qaarkood waxay sheegeen in si qarsoodi ah loo sawiray. Waxay caddeeyeen mawqifkoodu inuu yahay midka ay soo saareen guddiga 33da ah ee Aayo ka talinta Sool, kuwaas oo soo saaray qoddobo ay ka mid tahay in aan Soomaaliland looga sii baahnayn gobolka Sool ee ay ka baxdo.
Wasiir Kaahin iyo ragga la socda waxay shaqo ugu maqan yihiin maamulka Somaliland Shaqo ah in kacdoonka Sool ay si walba oo suuragal ah ku xalliyaan.
Tallaabada warbaahineed ee ay maanta qaadeen kooxda wasiirka iyo jawaabta odayaasha Jaamac Siyaad ayaase jid-gooyo u noqotay wax walba oo suuragal ah oo ku saabsan arrinta Sool oo Maxamed Kaahin ugu warami kari lahaa shacabka Soomaaliland marka uu Hargaysa ku noqdo ee warbaahinta la hadlayo.
Siyaasiyiinta ayaa hadii ay xataa ku guuldaraystaan hawlihii ku maqnaayeen, waxay ka shaqeeyaan sidii ay shacabka wuxuun ugu sheegi lahaayeen. Arrinta ka dhacday Laascaanood ayaase ah xog dhamaystiran oo ay shacabku si qaddiman u heleen.
Waxay hadda sii ogyihiin in muddo shan cisho ah oo uu Kaahin ku sugnaa aagga Laascaanood uu keliya la kulmay odayaal kooban oo ka mid ah Jaamac Siyaad oo halkaas u tegay arrinta soo wareejinta rag ku eedaysan dilka qof ka mid ah dadkii ay ciidanku ku dileen magaalada mudadii kacdoonka shacabka. Waa mawduuc ka baxsan gebi-ahaanba isku dayada Kaahin ee ku aadana in bal xal loo helo in Somaliland sii joogi karto Sool.
Guddiga hawsha Sool u xilsaaran ayaase soo saaray in aan Sool looga baahnayn maamulkaas intii uu Kaahin joogay aagga Laascaanood. Kaahin iyo kooxdiisa oo ku guuldaraystay in ay helaan cid reer Sool ah oo arrinta Sool kala hadasha maalmo ay joogaan aagga Laascaanood, waxay marag u tahay sida Somaliland looga nacay Gobolkaas.
W/Q: Warsame Cabdiraxmaan
Faalladani waxay ka turjumaysaa aragtida qoraaga oo ku saxiixan.
You must be logged in to post a comment.