Banaan-bax ay soo abaabushay dowladda oo ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka qayb-galaya bannaan-bax ay dowladda soo abaabushay oo looga soo horjeedo Al-shabaab.

Banaan-baxa ayaa lagu qabtay garoonka ciyaaraha Eng Yariisow (Ex Koonis), waxaana ka qaybgalay shacab iyo shaqaalaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay bannaan-baxa ayaa shacabka Muqdisho kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta Al-shabaab.

PUNTLAND POST