Xasan Sheekh oo ka hadlay federaaleynta garsoorka ee Puntland diiday

Muuqaalka Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirka sannadlaha ah ee garsoorka dalka ayaa ka hadlay hannaanka federaaleynta garsoorka ee Puntland diiday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah awoodsiinta garsoor hufan, iyadoo shirarkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho ku soo gabagaboobay bishii la soo dhaafay lagu ansixiyey hannaanka federaaleynta garsoorka, dowladdana ay ka go’an tahay adkeynta madax-bannaanida iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan hay’adaha caddaaladda.

“Garsoorku waa madax-bannaan yahay. Golaha Saree e Adeegga Garsoorka waxaa loo sameynayo waa in aan la faro gelin. Ma dooneyno dalka Soomaaliya guduhiisa in ay ku noolaadaan labo muwaadiniin oo kala xuquuq ah oo lakala faddilo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Labo waxyaalood in aan laysku khaldin baan rabnaa, dalka in la federaaleeyo waa mid ku saleysan la isku hayo oo hal dal uu yahy. Midda kale, dalka in la federaaleeyo macnaheeda mahan in qofba Meesha uu rabo uu iska aadi karo oo dalku kala tago, maya taas” ayuu raaciyay.

Hannaanka federaaleynta garsoorka iyo astaynta awoodaha dowladda ayaa ahaa qodobadii sababay in Puntland ku dhawaaqday in ay u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka Soomaaliya oo lagu ansixinayo afti dadweyne.

PUNTLAND POST