Muxuu yahay heshiiska Puntland ka maqan tahay ee gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada?

Wasiirada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo wehelinayo gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday Muqdisho ayaa maanta gaaray heshiis maaliyadeed oo la xiriira deeqaha dibada.

Sida ku cad heshiiska deeqaha dibada ayaa dowladda federaalka loo qoondeeyay 60%, halka dowlad goboleeyada iyo gobolka Banaadir loo qoondeeyay 40%.

Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baaris gaar ah lagu sameeyo lacag horay loogu diray dowlad goboleedyada oo halbeega ay isticmaaleen uu ahaa in 50% lagu kharas gareeyo arrimaha bulshada iyo maamul wanaaga.

Heshiiska dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa ka maqnayd Puntland oo aan ka qaybgelin shirkaas.

PUNTLAND POST