
Cuqaasha iyo waxgaradka beesha Reer Mahad oo shir ku yeeshay Gaalkacyo ayaa sheegay in ay nabad ka qaateen shaqaaqooyin ka dhacay halkaas.
Qoraal ay soo saareen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Reer Mahad ayay ku shaaciyeen go’aankaas.
Odayaasha iyo waxgaradka ayaa sidoo kale ku baaqay in xal waara laga gaaro dhammaan shaqaaqooyinkii ka dhacay Gaalkacyo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in beeshu diyaar u tahay wax kasta oo lagu hirgelinayo nabadda iyo xallinta dhibaatooyinkii dhacay.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.