Muqdisho: Askari dilay ganacsade yar oo maqalka la’

Nin maqalka naafo ka ah oo lagu magacaabi jiray Abuubakar Maxamed Nuuraani loona garan-ogaa Aabirimo ayaa maanta duhurnimadii lagu dilay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo ahaa ganacsade yar waxaa dilay askari ka tirsan ciidamada ilaalada deegaanka, kaddib markii ay ku murmeen shan kun oo Shilin Soomaali ah (5,000 SH.S), sida ay sheegeen ehelada marxuumka.

Marxuum Aabirimo oo ahaa 65 jir ayaa muddo 30 sano ku dhow ku ganacsanayay miis yar oo ku lahaa degmada Xamarweyne, wuxuuna iibin jiray macmacaanka iyo alaabaha caruurta ku cayaarto.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Saadaq Doodishe oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in la qabtay askariga dilka gaystay, wuxuuna intaas ku daray in caddaaladda la horgeyn doono.

PUNTLAND POST