Shir maaliyadeed aysan ka qaybgelin Puntland oo ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shir aysan ka qaybgelin Puntland oo isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka maaliyadda dalka, sharuudaha deyn cafinta iyo mideynta canshuurta dalka, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur.

Sidoo kale shirka ayaa la sheegay in looga hadli doono mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo deeqaha maaliyadeed.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli xalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyay dowladda federaalka in ay wiiqayo nidaamka federaalka islamarkaana ay marooqsanayso awoodda waddanka.

PUNTLAND POST