Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka Soomaaliya oo lagu ansixinayo afti dadweyne.
Qoraal rasmi ah oo Galabta ka soo baxay Xukuumadda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland u dhaqmayso sida dowlad madax-bannaan inta laga dhammaystirayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
“Inta laga dhammaystirayo Dastuurka Federaalka oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysa awoodda dowlad madax-bannaan” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.
Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa muujinaya in ay si toos ah xiriirka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan danbe khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyay.
Halkaan ka akhriso Qoraalka



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.