Duqayn lagu dilay 61 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 61 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay duqayn ka dhacsay duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal ka soo baxay dowladda oo lagu baahiyay SONNA ayaa lagu sheegay in howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo saaxiibadood caalamiga ah ay fuliyeen lagu beegsaday Al-shabaab lagu qiyaasay 150, oo doonayay in ay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Xawaadlay.

Waxaana intaas lagu daray in howgalka lagu burburiyay laba gaari oo ahaa nooca Homey iyo Noah oo ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa, kuwaas oo la doonayay sida la sheegay in la soo geliyo magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST