
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safray dalka Masar.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in wefdigu u booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar.
“Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale horay booqasho ugu tegay waddanka Masar halkaas oo uu kula kulmay Madaxda u sarraysa dalkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.