Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa sheegay in madaxdii Puntland ee isaga ka horreysay ay ku darsan jireen, taas oo uu tilmaamay in aysan wax dhib ah lahayn.
” Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado. Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn” ayuu yiri Siciid Deni.
Hadalkan ayaa sii xoojiyay xogaha lagu kalsoon yahay, ee muujinaya in Siciid Deni uu mudda kororsi qorshaynayo, taas oo ay si weyn uga digeen siyaasiyiinta kala duwan ee Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay diiwaan-gelinta qoriga lagu ilaalinayo ee uu ka wado degaannada qaarkood, waxaana uu sheegay in laga waardiyaynayo niman jidadka u galaya Sanduuqyada.
Siciid Deni ayaa sheegaya in uu qabanayo doorashooyin qof iyo cod ah oo laga hirgelinayo degmooyinka Puntland, waxaase arrintaas ka horyimid urur siyaasadeedyada qaarkood.
PUNTLAND POST